Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Musharaxnimadiisa Doorashada M.gobollada Dhexe Iclaamiyay

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Xaflad balaaran oo ka dhacday Magaaladda Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa maanta si rasmi ah musharaxnimadiisa oga dhawaaqay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horey u ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

Musharaxnimada Cabdikariim oo hadal heyn uun ku koobneyd wixii hadda ka horeysey ayaa waxaa isaga afkiisa laga maqlay markii ugu horeysey, wuxuuna codsaday in xilkaasi loo doorto.

Madasha xafladda ayaa waxaa soo xaadirey odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolada dhexe qaarkood, haweenka iyo dhalinyaro, waxaana darbiyada madasha lagu xardhey boorar waaweyn oo uu ku yaala sawirka musharaxa iyo halku dhig oranaya “Maamul loo dhanyahay iyo caddaalad loo simanyahay”.

Ugu dambeyntii Cabdikariim ayaa codsaday in uu xaq u leeyahay in kaalin laga siiyo hoggaaminta shirka maadaamaa uu ku dhawaaqay in uu musharax yahay, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey qaar ka mid ah saxiixayaasha oo uu sheegey in ay musharixiin yihiin, islamarkaasina ay shirka maamulayaan taasina aysan ahayn Xaq.

Waxaa Xusid Mudan in Cabdi kariim Xuseen Guuleed uu Dowlada hada Dalka ka jirta uu ka soo Noqday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaran Lama Oga waxaa uu kala kulmi Doono Musharixiinta kale kuwaas oo ayaganah Wada Dadaal ay ku Doonayaan Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka Gobolada Dhexe.

By: jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com