Site icon Radio Daljir

Madexweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay

Ciidamada Booliska dalka Ethiopia ayaa ka saaray Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida guri uu kaga sugnaa magaalada Addis Ababa, iyadoo xabsi loo kaxeeyay.

Waxaa la arkayay ciidamada oo xabsi guri uu ku jiray Cabdi Maxamuud Cumar ka soo saaray, kaasi oo ku dhow Hotelka Atlas ee magaalada Addis Ababa oo uu muddo bil ku dhow xabsi guri ku ahaa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto gabbood-fallo kadhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version