Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynihii hore ee DD Soomaalida oo dalbaday in la cafiyo

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii Seddexad la horkeenay.

Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, ayadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro Toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Horey waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xiran ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan, horey waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan, Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna”. ayuu yiri xaakimku.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xiran “laga gaarsiiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro”.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com