Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ramadan Kariin oo hadana kulanti wanaagsan dhegaystayaal, kuna soodhawaada barnaamijkii cawaysnimo ee Caawa & Daljir, oo caawaysinkaan idin kaga imaanaya istuudyaha Daljir Garoowe, waxaana soojeedinaya Wariye Maxamed Lakiman.

Qodobada ugu waaweyn ee Caawa & Daljir waa kuwo xiiso leh, waxaana kamid ah:

  • Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gobaleedyaada oo maanta ka qaybgalay Caleemasarka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf
  • Taliska Booliska Gobalka Nugaal oo maandooriye gacanta ku dhigay iyo howlgal ay wadaan
  • Ciidamada ammaanka Maagalada Qardho ee gobalka Karkaar oo howlgalo ka sameyeey Qardho lagu soo qab qabtay dhalinyaro falal amni daro waday.
  • Xildhibaano lagu edeyeey inay wadaan qorshe mucaradnimo oo beeniyeey arinkaas.
  • Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya oo shir an caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho

Qodobadaas iyo kuwa kale oo xiiso gaar ah leh waxaad ku maqli doontaan barnaamijka Caawa & Daljir oo idin ka imaanaya istudiyaha Daljir Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 5
  • maxamud cabdullahi sh.xasan 7 years ago

    Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu Walaalayaal Waxa idinku salaamay salaanta islaamka, walaalayaal magacaygu wa maxamud cabdullahi shiikh Xasan waxan joogaa Xamar waxan idinka codsanaya in aad i caawisaan oo aad iga caawisaan baafinta aabahey Cabdullahi Shiikh Xasan Faarax Axmed oo markii u dambaysay 1993kii ka xaqay ama ka cararay dagaaladii ka dhacay xamar wuxun tagay Boosaaso sidaas ayaana ku kala maqannahy ilaa hadda aniga iyo aabahaeyga, marka waxan idinka codsanayaa in aa ii baafisaan oo aad igu caawisaan helitaanka aabaheey igu caawiya in aad iiga baafisaan Tvga Putland iyo Radioga sida magaalooyinka boosaaso, garowe iyo magaalooyinka kale ee putland. waxa idinka rajaynayaa ina aad iga aqbashaan codsigayga. mahadsanidiin.
    halkaan igala soo xiriira :Tell:0616680672 iyo cinwaankaan aa hada wax idinkaga soo diray.

  • mansha ah

  • Waa barnaamij fcn waaye waxana joga mugadisho waana la soco.

  • cumar xuseen 7 years ago

    waxaan aad udhagaystaa warbaahinta dalka radio dajir gaar ahaan warka cawayska fiidnimo daljir waa war baahin dhex dhexaad ah

  • Waan Ku xiranahay Dhegaysiga Barnaamijka Daljir Guulaysta

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com