Buurta Puntland: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay Xiriirka Canshuur Bixinta iyo Hormarka

Buurta Puntland: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay Xiriirka Canshuur Bixinta iyo Hormarka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 July 2017 shir Jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyadda magaalada Garoowe kaga hadlay cashuuraha sharciga ah ee waajibtey inay bixiyaan muwaadiniinta reer Puntland, maadaama ay ansixiyeen cashuurtaasi goleyaasha  dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in hadii aan cashuurta la bixinin  aanay dawladdnimo jiraynin, islamar kaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in aanay aduunka ka jirin dal dawladd-nimadiisu shaqayso, horumar gaadha  hadii aan cashuurta la bixinin.

”Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaadha hadii aan shacuur la bixin, aduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ” wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta” taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar  majirayo hadii aan cashuurta la bixinin  ” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaaladda Boosaaso kasoo korodhay arrin la xidhiidh dad muwaadiniin ah oo cashuuurta sharciga ee martay goloyaasha dawladda Puntland  ka hor imanaya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladdu diyaar u tahay inay shacabkeeda u dhibriso, kuwacyi geliso muhiimadda ay cashuurtu u leedahay dalkooda iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka,  waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba, sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabkiisa su’aalay, hadii aan cashuurta la bixinin amni majirayaa? hadii aan cashuur la bixinin waxbarasho majiraysaa?, hadii aan cashuur la bixinin caafimaad ma jirayaa?, hadii aan cashuur labixinin horumar majirayaa?, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in qofka muwaadin ka ah ee sharciga ka horyimaadaa uu yahay Danbiile laguna qaadayo denbigiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar  oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya horrumarka xukuumadiisu ka hirgelisey Magaaladda boosaaso ayaa waxa uu sheegay.

” Boosaaso oo laga soo sheegay diidmadda cashuurta markii ugu danbeysey ee aan tegey waxaan ka soo dhagax dhigay wadadii 13aad  oo magaalada bilicdeeda iyo horumarinteeda ah, intasoo ciidan ah baa joogta oo ka hawl gasha ilaalinta nabad gelyadeeda, international Airport baa laga dhisay, balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedii baa la bilaabayaa, mashruucii ugu weynaa Puntland ee ah biyo gelinta ayaa ka bilaaban doona Boosaaso iyo solar system {Solar Light}  kii ayaa isna dhowaan rajaynaynaa inuu ka bilaabmo”  ayuu yiri madaxweynuh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Dawladda Puntland socdaal dheer gelayso oo ay dalkeeda kaga xoraynayso argagixisadda daacish, iyo Al-shabaab, isla markaana ay usocoto inay dalkeeda horumariso, dalkeeda dib u dhisato taasina y u baahan tahay garab istaag ay shacabku garab istaagaan dawladooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay cashuur siyaan Al-shabaab qaar kamida ganacsatada diidaysa cashuurta sharciga ah ee Dawladda, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in dadka dhaqankaa lihi ay dawladda uga dhigan yihiin Al-shabaab oo kale, isla markaana uu hadaf  koodu yahay inay dalka dhaxal kiisa ku wareejiyaan Al-shabaab.

” Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa  inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay?  micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan  Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof  raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay  kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo  in cashuurtu waa waajibe ay  bixiyaan.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com