Buurta Puntland: Gaas oo ka Qaybgalay Xafladda Caleemosaarka Madaxweyne Xaaf

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 29 May 2017 magaalada Caadaado kaga qayb galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Cusug ee maamul gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Sidoo kale xaflada caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda DFS, Madaxda Maamul goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hiir-shabeele iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Safiirka Midawga Europe, Safiirada dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo shacabka magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey Xaflada caleemasaarka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf ) ayaa u hanbalyeeyey madaxweynaha cusub iyo shacabka maamul goboleedka Galmudug xaflada caleema saarka darteed waxaana uu sheegay inuu u rajaynaayo dhammaantood guul iyo horumar waara.

‘’Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa dad weynaha reer Galmudug, madaxdooda iyo degmada Cadaado soo dhoweyntooda iyo marxabayntooda, sharaf ayay u tahay aniga iyo weftiga inaan soo ajiibno casuumadii aad noo fidiseen ee ah inaan idin kala qayb galno xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana leeyhay Madaxweyne Hanbalyo dadka reer Galmudugna waxaan u rajaynayaa Nabad, guul iyo horumar , anagu hadaanu nahay reer Puntland waxaan maanta dalbaynaa diyaarna u nahay inaanu gacan ka gaysano galmudug, gudaheeda iyo deriskeeda ay nabad iyo horumar kuwada noolaan lahaayeen, sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay malintii la doortay inuu ka shaqaynaayo Nabada Galmudug gudaheeda iyo tan deriskeedaba, hadalkaas aad ayuu noosoo jiitey, waxaan balan qaadaynaa inaan gacan kugu siino hirgelinta balan kaaqdkaasi’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’ Puntland iyo Galmudug waxay wadaagaan derisnimo, daaqsin, dhalasho, ganacsi iyo sokeeye nimo,hadaba si intaasi ay u midha dhalaan waxaan u baahanahay maanta laga bilaabo colaada soo noqnoqotay in la joojiyo, runta nabada loodhaqaaqo, xuduudaha sharciga ah ee soo jireenka ahna la ixtiraamo, siyaasiyiinta iyo hogaankuna shacabka u horseedaan kuwada noolaanshaha nabad iyo walaaltinimo’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweyna ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo wefti uu hogaaminayo ay sanadkii 2015 ku yimadeen magaaladda Gaalkacayo booqasho nabadeed taas oo ay u jeedkoodu ahayd debinta colaadii markaasi ka aloosnayd Gaalkacayo, waxaana uu madaxweynu sheegay inay ku guulaysteen dejinta xaaladaasi iyo nabadaynta magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxa uu ugu baaqay maamulka Galmudug khilaafka dhexdooda ka jira inay ku dhameeyaan wadahadal, wax wadaag, walaaltinimo iyo isu tanaasul.

Madaxweynaha oo ka hadlaya baahida gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay

‘’ gobolada dhexe ee soomaaliya waxay u baahan yihiin nabad iyo amni si ay ugu soo jeestaan horumarinta dhaqaalaha degaanadooda iyo kor u qaadista nolosha shacab kooda’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhankiisa u hanbalyeyey Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug iyo shacabka maamulkaasi, waxaana uu xusay in dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay gacan buuxda siin doonto sidii ay maamulka Galmudug u gaadhi lahaa inuu ku istaago lugihiisa.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sharaxay muhiimada markasta ay Dawladda Puntland u danaynayso dhisida iyo garab istaaga in la helo dawladda nimo Soomaliyeed isla markaana ay hormuud uga noqotay dhisida maamul goboleedyada dalka, waxaana uu ugu danbayntii ugu baaqay DFS iyo maamul goboleedyada dalka in layska kaashado meelna looga soo wada jeesto burcad diimeedka dhibaatada ku haya horumarka Soomaaliya.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

  

 

 

 

    

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • xudeyfe Osman 7 years ago

    asc. waa anigoo ah c raxman xudeyfi cusman. wxan ka faalo cilinaya. caleemo saarka madaxweynaha. cusub ee galmudug. wxan uu hambalyeey nya marka hore Madaxeeey (xaaf) marka xigan. shacabka reer galmudug oo so dimuqraadi ah Ku guuleystey madaxweyna iney doortaan baarlamaankeeda oo si wcn uu shaqeeynaayey dhowaaanahaan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com