Buuhoodle oo maanta laga xusay Mowliidka NNKH (dhegayso+Sawiro

Buuhoodle oo maanta laga xusay Mowliidka NNKH (dhegayso+Sawiro

Xuska dhalashada Nebigeena suuban Nabadgelyo, iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa siweyn looga xusay magaalada Buuhoodle, goobo kala duwan ayay ka dhaceen munaasibadaha weynaynta dhalashada rusuulka.
Masjidka Rowda ee magaalada Buuhoodle ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu maamuusay munaasibadan, qasaa’id Nebi amaan ah ayay soo jeediyeen arday dhigata madarasadaha iyo machaydada diiniga ah halka culimada qaarna soo jeediyeen nebi amaano ay ku qaadayaan luuq aad u macaan.
Cuqaal, waxgarad, culimo iyo qaybaha bulshada ayaa hadal ka jeediyey munaasibadaasi kuwaasoo siweyn ugu dheeraaday taariikhda  nebiga NNKH iyo muhiimada weynaynta dhalashada nebigu leedahay.
Ugu danbayna waxaa munaasibada soo afmeeray Sh Maxamuud Yuusuf Dhuux oo kamid ah culimada gobolka wuxuuna u duceeyey dhamaan muslimiinta, siiba dadka ku nool gobolka Cayn ,si gaar ahna dadkii ku sugnaa madasha ayuu u wada duceeyey.
Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com