Site icon Radio Daljir

Burcadbadeed Soomaliyeed oo siidaayey markab laga leeyahay dalka Talyaaniga

Xarardhere,Dec,22 -Kooxaha burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya ayaa sii daayay markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ay gacanta ku haysteen mudo 10 bilood ah.

Markacbka oo lagu magacaabo Savina Caylyn ayaa siidayntiisu waxaa ay ka dambeeysay kadib markii kooxihii haystay la siiyay sadex milyan oo doolar oo lacag madaxfurasho ah.

“Waxaa aynu helnay sadex milyan oo doolar oo ka harsanayd 11 milyan iyo bar doolar oo madaxfurasho ah,waxaanu ka degnay markabka”sidaasi waxaa ku waramay burcadbadeed magaciisa kusoo koobay Cabdiwali oo kusugan xeebta degaanka Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Ra’isal wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monti ayaa dhankiisa sheegay inuu siweyn uu ugu qanacsantahay siidaynta markabkan oo ay lasocdeen shan muwaadin oo u dhashay dalka Talyaaniga iyo 17 Hindiya ah.

Burcadbadeeda ayaa inta badan afduub u gaysta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa gargaarka ee adeegsada gaadiid mareenada caalamiga ee xeebaha Geeska Afrika iyo kuwa ka baxsan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

Exit mobile version