Burcad Badeed Afduubatay Markab laga leeyahay dalka Norway

Burcad Badeed Afduubatay Markab laga leeyahay dalka Norway

koox hubeysan oo burcad badeed ah ayaa afduubatay markab laga leeyahay dalka Norway iyo shaqaalihii saarnaa, xili markabka uu ku safrayey meel 15km (9 miles) u jirtay biyaha wadanka Benin ee Galbeedka Qaaradda Afrika.

Markabka oo lagu magacaabo Bonita ayaa waxaa saarnaa sagaal shaqaale oo aan weli la shaacin wadamada ay u dhasheen.

Kooxda burcad badeedda ah ayaa markabka la aaday dhinaca dekadda Cotonou ee dalka Benin.

Markabka ayaa siday waxyaabaha lagu bacarrimiyo beeraha, oo loogu tala galay beeralayda dalka Benin.

Bilihii la soo dhaafay kooxaha burcad badeedda dalka Benin ayaa afduubatay markab laga leeyahay dalka Cameroon oo ay saarnaayeen shaqaale ka soo jeeday dalka Jarmalka iyo 10 badmaaxayaal ah oo ka soo jeeday Turkiga.

Diiwaanka wararka.

Raddio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com