Bur-burka diyaarad laga lahaa Ruushka oo laga helay Indunisiya

Jakarta, May 10 – Diyaarad laga lahaa dalkaasi Ruushanka oo la la?aa ayaa la sheegay in burburkeeda laga helay buuro ku yaalla koonfurta magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaasi Indonesia.

Diyaaradda oo la waayey arbacaddii shalaytoole ayaa waxaa saarnaa 47 qof sida ay sheegtay dowladda Ruushanka.

Militariga dalkaasi Indonesia ayaa xaqiijiyey in burburka diyaaradda ay maanta oo Khamiis ah ka heleen buurta lagu magcaabo Salak oo ku taalla meel koonfurta kaga beegan magaalada Jakarta.

Madaxweyanah dalakasi Indonesia ayaa xilli hore qabtay shir saxaafadeed uu ku sheegay in baadhitaan buuxa la samaynayo si loo ogaado waxa sababay in diyaaradaasi ay burburto.

Burburka diyaaradda ayaa waxaa arkay diyaarad helicopter ah oo baadi-goobeysay ,waxana diyaaradaasi burburtay oo ah nooca Superjet-100 ay siday ganacsato reer Indonesia ah ,saraakiil iyo saxafiyiin.

Diyaaradaasi oo qorshuhu ahaa in ay iibsadaan ganacsato reer Indonesia ah sidoo kale waxaa saraana 8 qof oo u dhashay wadanka Russia, sida uu sheegay Dimitry Solodov oo ka tirsan safaaradda Russia ee magaalada Jakarta xarunta dalka Indonesia.

Ehelka dadka ku dhintay burburka diyaaradda ayaa isugu yimid madaarka magaalada Jakarta ,kaddib markii diyaaradda la waayey ,si’ay macluumaad uga helaan dadkoodii.

Diyaaraddan oo ah nooca Superjet-100 ee rikaabka ah ayaa lagu sameeyey dalkaasi Ruushanka.

Diyaaradan ayaa muhiim u hayad wax soo saarka diyaaradaha ee dalkaasi Ruushanka , si loo hagaajiyo masawirka iyo diiwaanka diyaaradaha dalkaasi Ruushanka oo muddo xumaa.

Abdirashid Musse
Radio Daljir
Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com