Bulshada Rayidka oo Suaalo weydiiyay Madaxweynaha Puntland

Isniin, December 28, 2015 (Daljir) —xubno matalaya bushada Ra’yid ka ah ayaa su’aalo waydiinaya Madaxweyne Gaas kuwaas oo kusaabsan doorashada 2016, geedi socodka Soomaaliya iyo shirkii Xamar

Kulanka oo ka socda xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa maadxweynaha iyo ku xigeenkiisa su’aalaha waydiinaya qaybaha kala duwan ee bulshada Ra’yidka ah,kalanko oo Saxaafadu banaanka ka joogta ayaa la sheegay in Gaas ay shacabku waydiin doonaan Nidaamka 4.5ka oo dadka Puntland diidan yihiin.

Su’aalaha kadib ayaa la filayaa wixii kasoo baxa in warbaahinta loo sheego,waxayna wararku sheegayaan in Gaas uu shirka Kismaayo qayb ka dhigan doono waxyaabaha maanta kasoo baxa kulanka uu la qaadanayo bulshada Ra’yidka ah.

Shirkii Muqdisho ayey labada Madaxweyne ee Gaas iyo Madoobe codsadeen in wwakhti lasiiyo ay la tashiyo lasoo sameeyaan shacabkooda.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com