Buhoodle oo lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayeey degmadda Cusub ee Cegaag (dhegayso/sawiro)

Magaalada Buuhoodle waxaa lagu munaasibad lagu soo dhoweynayey degmada Ceegaag ee gobolka Cayn oo dhowaan la magacaabay inay degmo noqoto. kasoo qaybgalayaasha munaasibada oo isugu jirey qaybaha bulshada gobolka Cayn ayaa siweyn usoo dhoweeyey degmada cusub ee kusoo biirtay gobolka.

Dadkii madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey dadka deegaanka Ceegaag oo mudo yar ku kasbaday inay degmo noqoto, degmada Ceegaag oo magaalo laga dhigay 2006 ayaa mudo yar ku noqotay magaalo weyn oo leh dhamaan adeegyada aasaasiga ah ee degmo looga baahan yahay.

Ugu danbayn dadka ayaa dawlada Puntland ka codsaday adeegyada aasaasiga ah ka tageerto bulshada degmadda Ceegaag.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com