Brussels EXPO: Wasiir Cabdiraxmaan “Soomaaliya Malaayiin Doolar bay Hal Nooc oo Kalluunka ah ka Heli kartaa”

Brussels EXPO: Wasiir Cabdiraxmaan “Soomaaliya Malaayiin Doolar bay Hal Nooc oo Kalluunka ah ka Heli kartaa”

Brussels – Soomaaliya ayaa ka qaybqaadanaysa bandhigga cuntobadeedka (Seafood Expo Global) ee hadda ka socda magaalada Brussels ee dalka Belguim. Waa bandhigga cuntobadeedka ee ugu ballaaran adduunka. Bandhigga ayaa socoonaya 25ka Abriil illaa iyo 27ka, waxaana ka soo qaybgalaya 1,700 oo shirkadood oo ka socda in ka badan 75 waddan.

Mashruuca GEEL ee USAID oo ay bartaan horay ugu soo bandhigtay Radio Daljir, hadana aad macluumaadkiisa isla mareegta Daljir kaga bogan kartaan ayaa taageeraya 9 shirkadood oo ganacsato Soomaali ahi leeyihiin, kana qaybgalaya bandhigga iyo waliba wakiil ka socda Hay’adda Maalgashiga iyo Horumarinta ee Puntland (Puntland Investment and Development Authority).

Datoor Cabdiraxmaan Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wuxuu sheegay “in haddii aan hormarino waxsoosaarka kalluunka tuunada oo kaliya aan ka heli karno malaayiin doolar dakhli ah sannad walba. Siddeeda sano ee soo socota waa muhiim in aan kalluumaysiga horumar ka keenno, taas oo suurtagalin doonta dib-u-dhis taam ah oo Soomaaliya ka hirgala, dhan kasta, siiba daryeela caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo quud la isku hallayn karo.”

Hoos ka daawo MUUQAALADII iyo MASAWIRADII Shirka.

Shirka BRUSSELS EXPO waxaa Soomaaliya u suurtagaliyey MASHRUUCA GEEL ahna deeq USAID.

  • Qaybta 1aad (B) – Muuqaal (Datoor Cabadiraxmaan Maxamed Cabdi, Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda – Af Soomaali)

  • Qaybta 1aad (T) – Muuqaal (Datoor Cabadiraxmaan Maxamed Cabdi, Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda – Af Ingiriis)

  • Masawirada BRUSSELS EXPO arag Bogga 2, 3 & 4 ee hoose, kahor qaybta falceliska bulshada 

PAGES

1 2 3 4

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com