Britain oo sheegtay in Madaxweynaha Cusub kala Shaqeyneyso la dagaalanka Al-Shabaab

Britain oo sheegtay in Madaxweynaha Cusub kala Shaqeyneyso la dagaalanka Al-Shabaab

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay siweyn ula Shaqeyn doonto Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo markii labaad dib loogu doortay.

Qoraal kasoo baxay Safiirka Dowladda Ingiriiska u joogta Soomaaliya Kate Foster ayaa marka hore u hambalyeeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,iyada oo balan qaaday inay siweyn ula Shaqeynd oonyo.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay inay Soomaaliya ka caawin doonto sidii looga adkaan lahaa Alshabaab, kadib war kasoo baxay Wasiirka arrimaha Afrika Vicky Ford iyo safiirka Muqdisho u jooga Ingiriiska Kate Foster.

Waa dowladdii labaad ee taageerta dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana horay u taageeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com