Site icon Radio Daljir

Bouteflika oo markii shanaad u tartamaya doorashadii 5aad ee madaxwaynaha Aljeeriya , iyadoo shacabku diidanyahay

 

Madaxa maamulka ololaha doorashada ee maadxwaynaha Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika oo wajahaya laba todobaad oo dibadbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo inuu u tartamo doorashada madaxwaynaha ee Aljeeriya markii shanaad ayaa sheegay inuu doorashada ka qaybgeli doono.

 

82- sano jirkan ayaa oo xanuunka stroke uu ku dhuftay sanadkii 2013kii ayaa hadda baaritaan caafimaad u jooga wadanka Switzerland,  Cabdilqani Zalane oo ah madaxa ololaha doorashada ee madaxwaynaha Aljeeriya ayaa sheegay inuu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay guddiga doorashada ee qaranka iyo golaha dastuurka.

 

Shacabka Aljeeriya ayaa wada dibadbaxyo waawayn oo ay uga soo horjeedaan inuu madaxwaynaha uu markii shanaad uu is-sharaxo.

 

Exit mobile version