Site icon Radio Daljir

Bosaso : Waalidiin sheegay qaad dartii in carruurtooda waxbarasho ay u waayeen! (dhegayso)

Qaar ka mid ah dadwaynaha magaalada Bosaso oo ka hadlay saamaynta uu bulshada uu ku hayo qaadka ayaa sheegay dhibaato dhaqaalle, caafimaad, qoys iyo mid waxbarasho inuu ku hayo qaadka oo dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka lagu soo daabulayay , iyadoo looga keenayo dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dadwaynaha oo ka qaybgalay barnaamijka muuqaalka Bulshada ee radio Daljir ayaa sheegay qaarkood in carruurtoodii waxbarashada ay ka reebeen, kadib markii aabaha dhalay uu lacagta uu soo hello uu ku iibsado qaadka oo ah maandooriye dhaqan rog ku hayo bulshada.

Waxaa ay dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen inay joojiso qaadka imaanaya dalka guud ahaantiisa.

Hoos kadhagayso

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5addc6140101001eb206ceac/Codadka+rayiga+dadweynaha+Bosaaso+Qaadka+.mp3?_=1
Exit mobile version