Bosaaso oo lagu qabtay Maandooriye si qarsoodi ah loo soo galiyay (Sawiro)

Bosaaso oo lagu qabtay Maandooriye si qarsoodi ah loo soo galiyay  (Sawiro)

Maamulka gobolka Bari ayaa maanta kaantaroonka magaalada Bosaaso laga soo galo waxa ay ku soo ban dhigeen Maandooriye Qamri ubadnaa.

 

Qamrigan ayaa la sheegay in hab qarsoodi ah lagu soo galiyay magaalada Bosaaso  , waxaana lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo dadkii watay iyo gaadiidkiiba.

Qamriga ayaa intiisa badan waxa uu ka yimaadaa dala Itoobiya ,waxaan lagu soo qariyaa gaadiidka waa wayn ee xamuulka qaada .

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhedo iyo Taliye Juxigeenka qaybta Booliiska gobolka Bari Axmed Jaraale  ayaa gobtii lagu soo bandhigay Qamrigan  ka hadlay waxayna bogaadiyeen shaqada adag oo ay ciidamadu qabteen.

 

Ma aha wax ku cusub deegaanada Puntland in lagu qabto Qamri ama Xashiishad ,waxayna dadku sheegaan in ayba isticmaalaan ciidamada iyo saraakiishooda oo ayba ogyihiin xaafadaha iyo guryaha lgu kala iibsado.

 

Maamulka gobolka Bari iyo laamaha amniga  ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada Bosaaso oo habeen iyo maalinba lagu dilo Ganastada iyo dadka haldoorka u ah bulshada ,iyagoona aan ka hadlin falalka amni daro o ay Argagixisadu ka fuliyaan magaalada Bosaaso .

 

Hadab su,aashu waxa ay tahay , maxaa macno ah oo ay samaynaysaa Qamri iyo Xashiishad la qabtay kaantaroolka Bosaaso?  iyadoo la,ogyahay meelaha lagu kala iibsado ee  gudaha magaalada Bosaaso .

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    HAAHEEY.
    WIILASHA GALGAL KU JIRA HALOO SHEEGO DIGNIINTAYDAAN:-
    WHO REALLY IS ISIS!?.
    I=ISRAELI
    S=SECRET
    I=INTELLIGENCE
    S=SERVICES

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com