Bosaaso oo lagu dilay xisaabiyaha shirkad ganacsi

Bosaaso oo lagu dilay xisaabiyaha shirkad ganacsi

Kooxo hubaysan ayaa suuqa wayn ee Bosaso ku dilay xisaabiyaha shirkadda ganacsiga guud ee Saabir ee deegaamada Puntland.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inay gaysteen rag bastoolad ku hubaysan oo baxsaday.

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cali Nuur Dalaqo, laba qof ayaa sidoo kalle ku dhaawacmay oo la socday marxuumka.

Lama oga sababaha dilka iyo jihadii gaysatay, balse booliska gobolka Bari oo aan la xiriirnay waa uu ka gaabsaday.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com