Boqor Buurmadow oo mar kalle horimaanaya maxkamadda

Boqor Buurmadow oo mar kalle horimaanaya maxkamadda

Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, si wayna caan uga ah deegaamada Somaliland ayaa ka qaatay racfaan xukun ay bishii lasoo dhaafay ku riday maxkmadda Hargaysa oo shan sano ahaa.

Xukunka ayaa yimid, kadib markii lagu soo oogay inuu wax u dhimay wax ay maxkamadda ugu yeertay qaranimada Somaliland, kadib markii uu ka sheegay munaasbad kadhacday degmada Carmo ee Puntland farriin uu udiray Puntland iyo Somaliland oo kusaabsan in la kala qaado ciidamada isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Boqor Buurmadow ayaa lagu wadaa inuu mar kalle kasoo muuqdo maxkamadd racfaanka ee Hargaysa May 08 , sida ay xaqiijiyeen qareenada u doodaya boqorka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Nuurkanederland 6 years ago

    D I G N I I N.
    —————-
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ABUBAKR EX-NAME(ELLIOTE SHIMON) 100% HE WAS MOSSAD AGENT & ISRAELIAN.
    ISIS & ALSHABAB ISN’T ISLAMIC. sure.
    THEY ARE(ALWISE PAPER!).

  • Nuurkanederland 6 years ago

    WAR WAA CEEB IN MADAX DHAQAMEEDKA LAYSKA XIRTO.
    MADAXDHAQAMEEDKA SOMALIYEEDNA XUDUUD MA LEH.
    (H/JECLOOY MUUSE WAAKAAS)

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com