Site icon Radio Daljir

Boqolaal Ruux oo Laga soo Tarxiilay Laascaanood oo Gaaray Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal

Boqolaal ruux oo ku noolaa magaalada Laascaanood oo laga soo masaafuriyay shalay ayaa xalay gaaray magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Dadkan oo isugu jira haween,carruur iyo rag ayaa ka mid ahaa ganacsatada iyo xoogsatada ku noolaa magaalada Laascaanood.

Shacabka ku nool magaalada Burtinle ayaa soo dhaweeyay iyagoo gargaar cunto iyo biyo ah u sameeyay shacabka laga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood oo lagu eedeeyay inay ammaanka dhibaato ku yihiin.

Dadkan la soo qabqabtay ayaa u badan dad ka soo jeeda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa muddo sanado ah ku noolaa magaalada Laascaanood.

size-medium wp-image-140781″ />

Exit mobile version