Site icon Radio Daljir

Boqolaal qof oo lagu xirxiray howlgallo kadhacay Muqdisho

Muqdisho, Jan 15 – Ciidamada dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyey magaalada Muqdisho howlgal lagu qabqabtay boqolaal qof.

Howlgalada ayaa waxaa meelaha laga fuliyay ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkiinley iyo Huriwaa oo kawada tirsan gobolka Banaadir.

Saraakiisha dowladda wali kama hadlin howlgalka, hase ahaatee wariyaha Daljir ee Muqdisho Cali C/qaadir ayaa kusoo waramaya in la xirxiray boqolaal qof oo lala xiriirimayo inay ka mid yihiin Al-shabaab.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid kasoo raynayay sidii uu ahaa dhawr bilood kahor

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

?

Daljir.com

Exit mobile version