Boqol iyo lixdan ka mid ah ciidamada Somaliland oo ku biiray Puntland(dhegayso)

Boqol iyo lixdan ka mid ah ciidamada Somaliland oo ku biiray Puntland(dhegayso)

Boqol iyo lixdan ka mid ah ciidamada Somaliland ayaa ku biiray Puntland, kuwaasi oo markii hore ka goostay Puntland.

Ciidamadan ayaa ku sugnaa deegaanka Caraweyn , waxaana lagu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaamineysay Ciidamada soo goystay ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Maamulka Soomaaliland.

Xildhibaano katirsan Puntland oo ku sugnaa deegaanka Carawayn ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ciidamada dib ugu soo laabtay Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com