Boosaaso: Ciidamada PSF-ta Puntland oo baneeyay furimaha dagaalka ee deegaanka Sugurre & kuwa Daraawiishta oo la wareegay

Boosaaso: Ciidamada PSF-ta Puntland oo baneeyay furimaha dagaalka ee deegaanka Sugurre & kuwa Daraawiishta oo la wareegay

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kalan ayaa xalay xilli dambe gaaray saldhiga weyn ee degaanka Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.

Ciidankaas oo u badan kuwo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahoodii.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Puntland ay bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana dhamaan ay isku fidiyeen Xeryaha Ciidamada ee degaanka Sugurre ee Gobolka Bari.

Degaanka Sugurre ee buuraleyda Golis waxaa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-Shabaab oo weeraro kaoso qaadi jiray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com