BOOSAASO: Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay hub lagu soo qariyya gaari Iskarogo ah

BOOSAASO: Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay hub lagu soo qariyya gaari Iskarogo ah

BOOSAASO: Ciidamada Booliiska Gobolka Bari, ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah | Gaarigan lagu qabtay hubka aya la sheegay in noociisu yahay ISKA-ROGO, Talisku waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan hubkan sida uu kusoo galay magaalada, halka loowaday & cida mulkiyadeeda leh.

” Gaariga Ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran si aan looga dsreemin hubka uu sido, balse Ciidanku xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan ayuu yiri” Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada.

Howlgalkaan Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay kusoo qabteen hubka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Magaalada Boosaaso ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF , dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Diiwaanka Wararka Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com