Booqashada Obama ee Kenya oo la Filayo in ay wax ka badasho xaaladda Xuququl Insaanka Kenya

Arbaco, Luuliyo 15, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama oo la filayo inuu dhawaan booqasho ku tago dalka Kenya oo uu aabbihiis kasoo jeedo ayaa laga dalbaday in booqashadiisa uu saldhig uga dhigo sidii loo xoojin lahaa Xuquuqda Aadanaha Kenya, sida ay ku sheegeen Qoraal ay soo saareen maanta hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha Kenya iyo kuwo caalami ah.

Ugu yaraan 17 urur oo ah kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka walaacsan sida ay Xukuumadda Uhuru Kenyatta ay u Wiiqayso dastuurka dalkaas ku yaalla, iyadoo ku mar-marsiyoonaysa inay kor u qaadayso amniga dalkeeda ayna ka hortagayso Argagaxisada.

Hay’adhaan ayaa waxay ku eedeeyeen xukuumadda Kenya inay si weyn ugu xad-gudubto xuuquqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Kenya, taasna ay tahay midda ku khasabtay inay Obama weydiistaan in booqashadiisu ay noqoto mid sare loogu qaadayo Xuquuqda Aadanaha Kenya.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com