Booliska Somaliland oo qabtay Rag lagu eedeyeey Falal Amni Darro

Booliska Somaliland oo qabtay Rag  lagu eedeyeey Falal Amni Darro

Kooxo Xiliyadii habeenkii Guba basaska dadweynaha ee Magaalada Hargeysa ayaa sii kordhaye, Ciiidamada Booliiska Somaliland waxay sameeyeen howlgalo ay kusoo qab qabanayaan shaqsiyaadka falkaas ka dambeeya.

Tiro Basas ah ayaa dad lagu qabad siiyey Magaalada Hargeysa waqtiyo kala duwan, Milkiilayaasha basaska ayaa Ciidamada Booliiska ka dalbaday in ay jawaab ka siiyaan waxyaabaha sababay in Basaskooda qabka la qabadsiiyo.

Saacadihii lasoo dhaafay Howlgalo Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa waxay Gacanta kusoo dhigeen 9-qof oo ay sheegeen in ay xiligaasi gacmaha kula jireen fal ay ku Gubayeen Basas kale sida Booliisku uu sheegay.

Af-hayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland Gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi oo warbaahinta Xili Dambe la hadlay ayaa sheegay in 9-ka Qof ay falkaan usoo qab-qabteen ay ka heleen xog ku saabtan in ay ka badan yihiin tirada ay Gacanta ku hayaan Booliiska, balse Baaritaano ay ku hayaan inta kale si ay iyane usoo xiraan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com