Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysane ku lug lahaa Kiiskii Marxuumad Xamdi

Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysane ku lug lahaa Kiiskii Marxuumad Xamdi

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeysane lagu tuhmayo inuu ku lahaa kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo todobaadkii hore lagu kufsaday Muqdisho, lana dilay.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay ku sheegtay in eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24 jir ah lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskaas.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.
Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa”ayay tiri Jen. Zakiya.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhowaan sheegay in dad dhowr ah loo haayo kiiskii kufsiga iyo dilka Marxuumad Xamdi oo dil waxashnimo ah loo geystay, kaddib markii la kufsaday, lagana soo tuuray meel dabaq ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com