Booliska Kenya oo Baaraya Dil loo Gaystay Ganacsade Caan ahaa

Axad, September 06, 2015 (Daljir) — Ciidamada booliska ee ka howlgala magaalada Nyeri ayaa baaraya dhacdo ku saabsan dil loo geystay nin ganacsade ah oo can ka ahaa countiga Nyeri.

Ninkaan oo lagu magacaabo Andrew Matu ayaa lagu soo waramay in dilkiisa ay geysteen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin, lamina oga sababta ay u dileen.

Dadka deegaanka ayaa helay meydka ganacsadaa oo lagu tuuray meel biyo xireen ah oo ku taalla magaalada Nyeri.Laamaha amaanka ayaa haatan ku raad jooga kooxihii falkaasi geystay oo ilaa iyo hada baxsad ah.

Saraakiisha booliska ee baaritaanka ku howlan ayaa sheegay in ay sidoo kale raadinayaan gaarigi uu isticmaalayay ganacsadaha la dilay.

Dhanka kale, meel u dhow goobta laga helay meydka ninkaas ayaa sidoo kale lagu arkay meyd kale oo la sheegay in ay qof dumar ah tahay.

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Lydia Wangeci oo 28 sano jir ah ayaa la rumeysanyahay in in lala dilay ganacsadaha, waxaana meydadkooda laga helay 2 meel oo10 mitir isku jirta.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com