Booliska gobolka Mudug oo maanta mar kale ka hortagay dibad bax.

Gaalkacyo, Jan, 14- Galinkii hore ee maanta ciidanka booliska gobolka Mudug waxay ka hortageen dibad bax la qorshaynayay inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo.


Ciidanka oo horay u qabay feejignaan ku wajahan abaabulayaasha dibad baxyada lagaga soo horjeeda waqtiga ay xilka sii haynaysa xukuumadda Dr, Faroole ayaa saakaba bilaabay inay gaaf wareegaan waddada laamigaa iyo jidadka halbawlaha u ah magaalada, waxaana barqanimadiiba ay la kulmeen dad abaabulaya dibad bax kuwaasoo watay gawaari ay ku dhagan yigiin maryo hal ku dhigyo ay ku qoran yihiin.


Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay cod baahiyayaal inkastoo markii danbe lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dadkii laga qaaday.


Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa dhacdadaasi ka dib waxaa uu radio daljir u sheegay in ay ka hor tageen bannaan bax la doonayay in lagu qabto magaalad Gaalkacyo.


Taliyaha ayaa sheegay inkastoo ay ka hor tagayeen dibad baxyada hadana inay maanka ku hayeen inaysan ciidanku rasaas ku ridin dadka isu soo baxay maadaamaa ay dhibaato ka dhalan karto.


Illaa hada si toos ah looma garanayo cida soo abaabulaysa dibad baxyada mararka qaar sida gaadmadaa loo dhigayo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay ka danbeeyaan shakhsiyaadka ka soo horjeeda dawladda ee Gaalkacyo ku sugan.

Diiwaanka Wararka daljir

Gaalkacyo

(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com