Booliska Faransiiska oo gaaska dadka ka ilmaysiiya u adeegsaday dibadbaxyadii ugu xooganaa ee Paris

Booliska Faransiiska oo gaaska dadka ka ilmaysiiya u adeegsaday dibadbaxyadii ugu xooganaa ee Paris

Dibadbaxyo waawayn oo rabshado wata ayaa kasocda magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska todobaadkii afaraad, waxaana dibad baxyadan ay la xiriiraan qiimaha nolosha ee sare u siikacaya dalka Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay boqol shan iyo labaatan kun oo dhaqdhaqaaqa “yellow vest” inay ka qaybgaleen dibadbaxii Sabtidii kaliya ee kadhacay wadanka Faransiiska, waxaana uu xusay ciidamada inay xireen kun iyo sadex boqol , shan iyo sideetan qof oo lagu helay hub sida budad, dubbeyaal iyo qalab kalle oo nafta wax yeeli karta, isagoona sheegay sideetan iyo sagaal kun oo ciidamada ammaanka inay dibadbaxyada xakamaynayeeyn.

Raysal wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa ku baaqay Sabtidii wada hadal lagu dhameeyo dibadbaxyada oo uu la gelayo dhaqdhaqaaqa jaakadda jaallaha ah, isagoona balanqaaday dowladda inay wax ka qaban doonto cabashada qiimaha nolosha ee shidaalka iyo cuntada ee sare u sii kacaya.

Ilaa iyo sideed kun oo saraakiisha booliska ayaa loo daad gureeyey caasimadda, iyadoona jahwareer uu ka jiro magaalada Paris, iyadoo dadka dibadbaxyada dhigaya ay boob u gaysteen goobo ganacsi.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com