Booliska England oo Helay mid kamid ah Gabdho la Baadi-goobayay

Somalia, December 19, 2015-(Daljir)_ Hooyooyinka dhalay Gabdhahaasi ayaa xaqiijiyey in la helay  saddexdii gabadhood ee la la’aa, waxayse ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.Gabdhaha maqnaa ee la helay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fardowsa Xasan, Cabir Saalax iyo Axlaam Saalax.

Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay Boliska dib ugu celiyeen Waalidiintooda oo ku nool Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London.

Gabdhahan Soomaalida ee la la’aa ayaa waxay da’ooda u dhexeysaa 13 jir ilaa 16-jir.Faahfaahin dheeraad lagama bixinin qaabka lagu helay gabdhahaasi, iyadoo ay Boliska horey u sheegeen inaysan gabdhahaasi ka ambabixin dalka Britain.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com