Booliiska Soomaaliland oo la wareegay xarumihii xisbiga Waddani

Booliiska Soomaaliland oo la wareegay xarumihii xisbiga Waddani

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka la wareegay xarumo uu Xisbiga Waddani ku lahaa magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo, iyadoo shalay ay aheyd markii Ciidamada Booliska la wareegeen xaruntii Xisbiga ku lahaa Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in taageerayaasha Xisbiga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan magaalooyinka Somaliland, iyadoo Booliska uu wado tallaabooyin uu uga hortagayo.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka Ciidamada kula wareegeen xarumihii Xisbiga Waddani ku lahaa Berbera iyo Ceerigaabo.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Afhayeenkii iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, waxaana Guddoomiyaha Xisbiga ku tilmaamay falkaas mid sharci darro ah oo caburin ah.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay xaalada siyaasadeed ee Somaliland ayaa cirka gashay, kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu taageerayaashii ugu baaqay inay isku soo baxaan, iyadoo Ciidamada Booliska Somaliland ay is hor-taageen isu soo baxyadaas, waxaana ay dhagxaan ku gooyeen waddooyinka soo gala xarunta Xisbiga ku leeyahay Hargeysa iyo ciidamo fara badan oo la dhigay xaruntaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com