Booliiska Garoowe oo soo qabqabtay dad lagu tuhunsanyahay inay ka midyihiin Al-Shabaab.

Garowe, Apr 09 -Booliska magaalada Garoowa ee caasimadda Puntland ayaa sheegay howlgallo amaan sugid ah oo ay ka sameeyeen magaalada Garoowe iyo deegaanada u dhow inay kusoo qabqabteen inka badan 10-qof oo lagu tuhamayo inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Taliyaha saldhiga Garowe laba xidigle Aadan Muuse Jaamac oo Radio Daljir u waramay ayaa waxaa uu sheegay, dadka lasoo qabtay inay u gudbinayaan hay’adaha garsoork si maxkamad loogu soo taago.

Waxaa uu sheegay ciidanku inay weli wadaan baaritaano la xiriirta halka ay ka yimaadeen iyo ujeedkooda socdaal oo ay ku yimdeen Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxwaynaha dowladda Puntland uu shaaciyay ururka Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya inay geeddi kusoo ahaayeen Puntland tan iyo bishii Augost ee 2011 oo ay sheegeen inay ka baxeen magaalada Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com