Bileyska oo qabtay 2 nin oo lagu tuhmay miino dhulka loogu aasay taliyaha ciidanka daraawiishta ee gobolka Mudug.

Galkacyo, Jan 31 ? Taliyaha ciidanka daraawiisha Puntland ee gobolka Mudug Maxamed Muuse Ilka-dheere ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo wada loogu aasay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa gaarka ahi.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca gacanta lagu hago ayaa lagu aasay meel waddo dhinaceed ah oo inta badan gaadiidku ay isticmaalaan, isla markaana marin u ahayd taliyaha; ma jirto wax khasaare ah oo qaraxaasi uu gaystay.

Ilaalada taliyaha iyo ciidan bileyska ee magaalada Galkacyo oo isla markiiba gaaray goobta u qaraxu ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo la rumaysan yahay in ay ahaayeen raggii fal-dambiyeedka fuliyey, sida ay idaacadda Daljir u qaxiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw saraakiisha bileyska; waxaana haatan socda baaritaan raggaasi su?aalo lagu waydiinayo.

Taliye Ilka-dheere oo ay idaacadda Daljir u suurtogashay in ay ka waraysato dhacdadaasi ayaa sheegay falkaasi in uu ahaa mid fulaynimo ah, ayna ka danbeeyeen rag la soo kiraystay oo calooshood u shaqaystayaal ah.

Md. Ilka-dheere wuxuu dhinaca kale dadka fal-dambiyeedyada noocan ah gaysta ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka, una adeega dano shisheeye; shacabka gobolka ayaa uu taliyuhu ku dhaliilay gabaad-siinta dhagar qabayaasha.

Dilka iyo qaraxyada madaxda dawlada iyo indheergaradka ayaa laga raystay in dhawaale, walow Galkacyo amnigeedu uu ka liito magaalooyinka kale ee Puntland; falal-dambiyeedyada noocan ah ayaa laga soo waariday koonfurta Somaliya, astaanna u ah kooxaha xag jir ah ee sheegta Islaamiyiinta.

Ma ahan markii ugu horraysay oo sidaan oo kale qarax miino loola bartilmaameedsado mas?uul ka tirsan maamulka gobolka Mudug; waxaa bishii hore sidaan oo kale qarax miino ka badbaaday guddoomiayaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad; sidoo kale, todobaad ka hor, waxaa magaalada Galkacyo lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamada darajada 1-aad ee magaalada Galkacyo.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Daljir, Galkacyo.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com