
Asmara, Nov, 11 ? Safiirka dawladda Eretria u fadhiya dalka magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa been iyo waxba-kama jiraan ku tilmaamay in dawladiisu ay caawiso kooxda Al-shabaab.
Mr Beyone Russom oo u waramay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in dalkiisa ay wali saaran tahay cunaqabatayn xagga hubka ah, waxaana uu intaasi ku daray dhaq-dhaqaaqyada la xiriira dhinaca hubka inay fiiri gaar ah u leeyihiin oo had iyo goor ay kormeeraan dawladda Maraykanka iyo erko ka socota QM.
Safiirka u fadhiya Kenya dalka Eretria waxaa uu meesha ka saaray gabi-ahaanba inay kooxda Al-shabaab ku caawiyeen 3 diyaaradood u hubsida, kuwaasoo ka dagay garoonka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Mr Beyone waxaa uu tusaale u soo qaatay in caalamku yahay mid isku xiran, isla markaana la arki lahaa diyaaradahaasi markii ay kor-marayeen hawada dalka Jabbuuti, ama badda Cas.
Hadalkaan kasoo yeeray danjiraha Kenya u fadhiya dalka Eretria Mr Beyone Russom ayaa kusoo aadaya, xilli ay Kenya si wayn arrintaasi ugu eedeysay xukuumadda Asmara, waxaana dawladdo badan oo caalamka ah ay aaminsan-yihiin in dalka Eretria uu xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda Al-shabaab.
Diiwaan Wararka
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN