Beesha Cabdalla Nooleys: ”Dowladda Puntland waxaan ka tirsaneynaa cadaalad-darro qaangaartay” (dhegayso)

Beesha Cabdalla Nooleys oo kamid ah beelaha deggan gobolka Mudug oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xuquuqdii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Puntland la duudsiiyay.

Beesha ayaa sheegtay in dowladda Puntland ee hada jirta ay ka tirsanyaan cadaalad darro qaangaartay .

Xubnihii odayaasha ahaa ee soo qabanqaabiyay gogosha ayaa sheegay in Isimada dhaqanka ee Puntland ay ka hadlaan arintan. Odayaasha ayaa sheegay in kuraastii ay ku lahaayen Baarlamaanka Puntland muddo badan ay san soo dhaafin hal jifo oo kaliya.

Halkan ka dhegayso bayaanka ay soo saareen beeshu.

Sawiro.

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com