Beesha caalamka oo war kasoo saartay xaaladda jahwareersan ee Galmudug

Beesha caalamka oo war kasoo saartay xaaladda jahwareersan ee Galmudug

Warsaxaafadeedkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyay khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaday arimaha Galmudug.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada ugu baaqday inay kawada qeyb qaatan hanaanka dhismaha Galmudug islamarkaana ka fogaadan waxkasta oo keeni kara xasiloonidaro.

Warkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada kala ah gudoonka baarlamanka, musharixiinta, Ahlu Sunna iyo saamileyda siyaasadeed ee ku sugan Gaalkacyo inay siwadajir uga qeyb qaataan doorashadda.

Baaqa Beesha Caalamka ayaa yimid xilli Galmudug laga dhisay Saddex Baarlamaan ,islamarkaana uu xoogeystay Khilaafka dowladda iyo dhinacyadda Siyaasadda Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com