Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Khilaafka Rooble & Farmaajo

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Khilaafka Rooble & Farmaajo

Wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah uga soo saaray war saxaafadeed khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilledkiisu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta.

War Saxaafadeedka ayaa ugu horeyntii lagu soo hadal qaaday sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay Heshiiskii 17 Sebember iyagoo walaac ka muujiyay khilaafka madaxda dalka u dhexeeya.

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.”

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si dhaqso ah u xaliyaan khilaafkooda;

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.”

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa ka digtey sii socoshada khilaafka arrimaha siyaasada ee u dhexeeya madaxda u sareysa dalka;

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.”

Wadamada iyo Ururada soo saaray War Saxaafadeedkan ayaa kala ah;

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com