Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashadii gudoonka aqalka sare.

Muqdisho, Jan 23 2017-Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Italy, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa loogu hambalyeeyay doorashada ay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka doorteen guddoonkooda.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in tallaabdan ay soo gabagabeneyso wejigii ugu muhiimsamaa geedi socodka doorashada. Waxayna ku baaqeen in degdeg loo sameeyo guddi wadajir ah oo ka shaqeeya doorashada dmadaxweynaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Farriinta Qoraalka beesha caalamka xambaaarsanaa ayaa ahayd in labad gole ay xiriir wada shaqeyn oo wanaagsan la yeeshaan golaha fulinta si Soomaaliya looga gudbiyo xaaladda adag ee Soomaaliya ku jiro.

“Xilligan oo Soomaaliya ay wajaheyso xaalado adag oo isugu jira abaaro, shaqo la’aan iyo nabadgelyo darro, xildhibaanadu waxay heystaan fursad ay ku muujin karaan hogaan suuban oo ka jawaabi kara baahida asaasiga ah ee shacabka..” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com