Beesha caalamka oo soodhoweysey shirkii madasha qaran ee Soomaaliya.

Nairobi, Sep 18 2016-Qaramada Midoobay , Midowga Afrika , Urur goboleedka  IGAD,  Midowga Yurub (EU) , Itoobiya , Talyaaniga , Sweden , Ingiriiska iyo Maraykanka  ayaa si wey u soo dhaweeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee dhaawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sheegay in ay ku boorinayso hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed go’aankii ay qaateen ee ay ku xaliyeen mad madowgii ka dhex jiray hanaanka doorashada Aqalka sare iyo sidoo kale tabashooyinkii ka imaanayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xubanaha Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay haboon tahay in la dhowro Jadwalka Doorashada iyo sidoo kale go’aankii ay qaateen hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran , islamarkaana ay doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale amaantay go’aankii Haweenka Soomaaliyeed lagu siiyay kuraasta barlamaanka 30 % waxaana ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda dowlad goboleedka ugu baaqday in la xaqiijiyo qoondada haweenka , islamarkaana aysan dhacin in kursi loogu tala galay haweenka Soomaaliyeed oo qof kale ku fadhiisto.

Warka Soo baxay beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay ku bogaadinayaan hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed go’aankii 54 xubnood uga dhigeen xubnaha Aqalka Sare , tasoo ay sheegtay Beesha Caalamka in ay waafaqsan tahay dastuurka Soomaaliya.

Beesha Caalmka ayaa sidoo kale sheegtay  in ay haboon tahay in dastuurka Soomaaliya dib u eegis lagu sameeyo , islamarkaana dalka uu gaaray horumaro kala duwan 4 sano ee lasoo dhaafay , islamarkaana 4 sano ee soo socota loo diyaarin doono sidii doorashada qof iyo codkiisa ah ay uga dhaci laheyd Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale looga hadlay Warka soo baxay beesha Caalamka in ay haboon tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dar dar geliyo hanaanka dhismaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe oo ay sheegeen in uu muhiim yahay doorashada lagu wado in ay Soomaaliya ka dhacdo.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale si wey uga hadashay suggida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ciidanka Midowga Afrika sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loo baahan yahay in heegan buuxa la geliyo si ay u sugaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya.

“Laba waxyaalood oo muhiim ah ayaa ka dhacay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Soomaaliya oo midka koowaad waa shir Madaxeedkii urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ay martigalisay ,taasoo ay Madaxda IGAD ay si wey u soo dhaweeyeen horumarka Soomaaliya gaartay, tankalena waa Madaxda hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo go’aankii ugu dambeeyay ka gaaray hanaankii doorashada Soomaaliya ” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com