Beesha Caalamka oo soo saartay digniin adag iyo baaq ku aadan doorashada Soomaaliya

Xubnaha beesha Caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajadooda adag ee ah in isbadallada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqi doonin dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigooda, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, ama abuurin xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray.

Wada-hawlgalayaashu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo wada dhan yahay si loo gaadho heshiis sal ballaadhan oo ku saabsan qaab dhismeedka doorashada 2020.

Tani waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay gaareen hoggaamiyaasha Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada ee ka dhacay Dhuusamareb 22-kii Luulyo oo ah tallaabo muhiim u ah yoolkaas.

Saaxiibada caalamiga ah waxay filayaan in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabanayo shirarka dabagalka ee isu imaatinka Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah.

“ Isku day kasta oo uu sameeyo daneeye kaliya oo si kumeelgaar ah u soo rogo qaababka doorashada wuxuu u dhimayaa sharci ahaansho mana hirgalin doono haddii aan laga helin taageerada lagama maarmaanka ah daneeyayaasha kale. Wada-hawlgalayaasha ayaa si dhow ula socon doona horumarka horay u socda. Ka go’naanta arrimaha mudnaanta leh ee la isku raacay iyo xallinta arrimaha iyada oo loo marayo wadahadal iyo isu tanaasul ayaa muhiim u ah sii wadista taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee heerarka hadda jira” ayaa lagu yiri Warbixinta Beesh Caalamka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com