Beesha Caalamka oo cadaadis la xiriira doorashooyinka saartay Madaxweynaha Somaliland

Beesha Caalamka oo cadaadis la xiriira doorashooyinka saartay Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) shir kula yeeshay koow iyo toban (11) mudane oo isugu jira safiiro iyo diblumaasiyiin ka socda beesha caalamka.

Ugu horayna Madaxweynahawaxa uu safiirada iyo diblumaasiyiinta la wadaagay xaalada guud ee Somaliland ay marayso haday tahay dhinaca horumarka, nabadgelyada, iskaashiga iyo wadashaqaynta arrimaha mandaqa geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu safiirada u sheegay halka ay marayso geedi socodka arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, isagoo xusay madaxweynuhu in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen. Sida in ay maxkamada dastuuriga ahi ay go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi.

Waxa kale oo madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen komishankii doorashooyinka uu waraaqo u diray golaha guurtida iyo xisbiga Waddani kagana dalbaday inay sida ugu haboon u soo buuxiyaan xubnaha komishanka doorashooyinka , halka xisbiga Ucid uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeedadu ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib u dhac ku yimaada arrimaha doorashooyinka, iyaguna ay si degdeg ah uga soo jawaabeen, sidaana madaxweynuhu ugu gudbiyey golaha wakiilada oo ka gutay waajibaadkoodi shaqo kuna ogolaaday afar xubnood oo u gudbay Guddida Komishanka Doorashooyinka , halka ay diideen saddex xubnood oo ka mida komishankii cusubaa, dhawaana la dhamaystiri doono.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in si dhakhsaha loo soo dhamaystiri-doono saddexda xubnood ee haray ee komishanka, si ay iyagoo dhamaystiran ay u soo bandhigaan nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaana ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay inoogu qabsoomaan doorashooyinku.

Dhinacooda safiirada iyo diblumaasiyiintu waxa ay balan qaadeen marka ay soo dhammaadan arrimaha sharci ee doorashooyinka la xiriira, lana soo dhamaystiro xubnaha komishanka doorashooyinka inay Somaliland ka taageeri doonaan hirgelinta arrimaha qabsoomida doorashooyinka.

Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay Madaxweynaha Somaliland ku cadaadiyeen in doorashoouinka waqtigooda ku dhacaan si khalalaaso uga dhicin degaannada Somaliland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com