BEESHA CAALAMKA “Hadii aan lagu heshiin doorashada maheli doontaan taageerada saaxiibada caalamka”

Qoraal kasoo baxay Saaxibada Beesha Caalamka ayaa lagus dhoweeyay kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.

“Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.”

Sidoo kale waxa ay beesha Caalamka qoraalka ku sheegeen inay soo dhoweynayaan natiijooyinka kulanka balse ay muhiim tahay in loo wada dhan yahay.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.”

Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ugu baaqayaan dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.

War saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com