Beesha Caalamka oo soodhaweysay ayideyna doorashooyinkii Puntland

Beesha Caalamka oo soodhaweysay ayideyna doorashooyinkii Puntland

Beesha Caalamka ayaa si weyn u soodhoweeyey doorashadii ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl & Ufayn ee Puntland. Warsaxaafadeed wadajir ah ay soo saareen saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, horumarinta, & dawlad wanaagga ayaa lagu bilaabay:

“Iyadoo si nabad ah ay ku soo idlaatay codbixintii iyo ku dhawaaqistii natiijada hordhaca ah ee doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan Puntland, ayaa saaxiibada beesha caalamka waxay ugu hambalyaynayaan shacabka Puntland ee hormuudka ka ah hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod ah guud ahaan Soomaaliya.”

Warsaxaafadeedka beesha Caalamka oo sii socda ayaa lagu sheegay in shacabka Puntland muujiyeen xamaasad doorasho oo wax dhis ah iyagoo ku taliyey in la dedejiyo dhamaystirka hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland.

“Saaxiibada caalamku waxay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyadoo ay tirada badan oo codbixiyayaal ah kasoo baxeen degmooyinkaas, Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee degmooyinka
harsan ee doorashada Dawladaha Hoose guud ahaan Puntland sanadka 2022 ka.”

Beesha caalamka ayaa bogaadisey dhamaan dhinacyadii ku lug lahaa qabsoomoda doorashadii ugu horeysey ee qof & cod ah oo ka dhacda Puntland.

“Saaxiibada caalamku waxay bogaadinayaan dhamaan dhinacyada ay khusayso doorkooda ku aadan geeddi-Socodka dimuqraadiyada, iyagoo si gaar ah u xusay wada shaqayn hufan oo dhexmarta guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland. (TPEC), ururada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah.” ayaa lagu iri Warsaxaafadeedka beesha caalamka.

Warsaxaafadeedka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in talaabada ka qabsoontay Puntland ay muujisay suurtagal nimada doorasho qof & cod ah oo ka dhacda guud ahaan Soomaaliya.

“Guushan dhiirri-gelinta leh ayaa muujinaysa suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya. Saaxiibada caalamku waxay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka oo dhan ah.” ayaa lagu soo gaba gabeeyey warsaxaafadeedka beesha caalamka.

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Kenya, Jaamacadda Carabta, Holland , Norway, Poland, Qatar, Ruushka. Saudi Arabia, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Uk, Maraykanka , iyo Qaramada Midoobay.

Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com