Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Warbixintii 4aad ee Xaalka Beeraha iyo Beerleydaba Puntland

Dhegaystaan sida aad la socotaan Radio Daljir todobaadkaan waxaa uu waday warbixinno xiriir ah oo ku saabsan xaalka beeraha Puntland iyo beeraleeydaba, kuwaasi oo aan uga xog iyo xaalado warramaynay dhibaha la soo gudboonaada beeraha, iyo caqabadaha haysta.

Haddaba warbixintana oo ah middii 4aad waxaan uga hadlaynaa xilligii beeraha loo qaybiyey abuuro ama siirar hay’ado bixiyeen oo la sheegay xanuuno in ay ka dhasheen, dhibna u gaysteen wax soo saarkii beeraha.

Xasan Heykal ayaa diyaarshay, inoona soo jeedinaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mohamed Said Omar 7 years ago

    Asc bahda radio daljir, aadbaad ugu amaanantihiin barnaamijka waxku oolka ah ee aad diyaariseen. waxad moodaa iney meesha ka maqantahy kaalintii aqooned ee cilmiga beeraha oo ah cilmi aad u ballaaran isla markaana qaybo kala duwan oo takhasusyo aa leh, laga soo bilaabo xulashada meesha aad dalaga ku beerayso iyo sida ay ugu haboontahy ilaa gurshada wixii ad beeraty, ciidda iyo nafaqadeeda, abuurka la isticmaalayo iyo caafimaad qabkiisa iyo waxyaala kale oo badan ayaa muhim ah in xoogga la saaro si loo helo waxsoosaar bed qaba. waxan warbixintan ka dhegeystay in laga cabanayo cudurro ku habsaday beeraha oo loo sababeeyey abuurro la qaybiyay, waa arrin macquula waayo cudurro badan oo abuurka ku gudbo ayaa jira ( seed-borne diseases).
    Haddii aad nala wadaagi lahaydeen sawirrada khudrada xanuunku ku dhacay waxan isku deyi lahayn inaan sheegno cudurka waxa loo yaqaan iyo waxa sababay iyo qaabka loo dabargoynkaro ama loo yarayn karo saamayntiisa.

    Anoo ah arday bartay cilmiga beeraha hadana diyaariya shahaadada labaad ee masterta oo takhasuskaygu yahay cudurrada beeraha ku dhaca iyo sida looga hortago loona maareyo, waxan diyaar uahy inaan beeralayda caawimad ka siiyo sida ay ula tacaamuli lahaayen cudurradas ku habsady beeraha.

    lambarkan ayey igala soo xiriirikaraan sawiradana iigu soo diri karaan +905319467813…..call caadi ah ama whats up call.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com