Site icon Radio Daljir

Beeralayda Puntland oo diiday dalagyo ay tijaabinayaan hay’ado caalami ah (dhegayso)

Beeralayda Puntland ayaa sheegay in ay ka cabanayaan dalagyo tijaabo ah oo ay wadaan Hay,adaha Caalamiga ah ee Wasaarada beeraha ka taageerta dhanka dalagyada , waxayna ay sheegeen Beeralayda in xiligan aysan ubaahneen Mashruuc tijaabo ah oo dhaqaale farabadan lagu bixiyo, balse ay ubaahan yihiin in dhanka wax soo saarka laga taageero maadaama ay ugudbeen xiligan in ay wax beertaan

Wasaarada ayay ugu baaqeen in ay wax sax ah ukeento.

Barnaamijyo horay uga baahay radio Daljir ayaa waxaa lagu soo bandhigay khasaare baaxad wayn oo kadhashay dalagyo ay bixiyeen hay’ado caalami ah oo markii dambe isku badalay abuur sumaysan oo la dagaalamay dalagii dalka kasoo go’ayay.

Hadaba Gudoomiyaha Beeralayda Puntland C/ casiis Garaad ayaa Radio Daljir la soo xiriiray oo uga waramaya Wariye Xasan Heykal sababata ay uu idaacada ula soo xiriiray iyo Cabashadooda waxa ay tahay .

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5aeeed2bfd0000d5a58f7637/Gudoomiyaha+beeralayda+puntland+.mp3?_=1

 

Exit mobile version