Beeralay ku diriray Hiiraan oo heshiis la dhex-gay iyo dowladda oo shir ugu qabanaysa Beledweyne

Beledweyn, August 27, 2013 – Deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan waxaa dhowaan dirir ku dhexmartay beelo wada-degan, dagaalka ayaa markii hore ka aloosmay dhul beereed.

Maamulka dowladda federaalka ah ee gobolka Hiiraan ayaa howshaas dhex-dhexaadin ka sameeyey, waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in lagu guulaystay qaboojinta xiisada u dhexaysay beelaha.

Gudoomiye ku xigeenka maaliyada ee gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, wuxuu sheegay in ay meel-mariyeen xabad joojin, wuxuu intaas ku daray in ay howsha beelaha si buuxda u dhamayn doonaan.

? Heshiis buuxa ayaa la dhex-dhigi doonaa, oo waxaan qorshaynay shir arrintaas lagu dhamaynayo oo dhowaan ka dhacaya Beledweyne? ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cumar.

Deefow dagaalka ka dhacay waxaa ku dhintay 3 ruux oo dhinacyadii dagaalamay hal qofna dhaawac ayaa soo gaaray, xiisaada dagaalka ayaa ahayd mid saamaysay nolosha deegaanka oo cabsi ku abuurtay bulshada beeralayda ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com