BEENIN EEDAYNTA URURKA KAAH U SOO JEEDIYEY URUR SIYAASADEEDKA MIDEEYE

Urur Siyaasadeedka MIDEEYE wuxuu si cad u beeninayaa eedaynta wasiirka maaliyadda dawladda Puntland mudane Xasan Shire Abgaal oo ku hadlayey afka urur siyaasadeedka Kaah u soo jeediyey urur siyaasadeedka MIDEEYE.

Eedayntaas oo wasiirku ku eedeeyey urur siyaasadeedka MIDEEYE inuu ku lug lahaa shaqaaqadii maanta ka dhacday isu soo bixii ururka KAAH ee degmada Eyl.

Urur siyaasadeedka MIDEEYE wuxuu caddaynayaa in aanu wax lug ah ku lahayn shaqaaqadaas, eedayntaasina ay tahay mid aan waxba ka jirin.
Urur Siyaasadeedka Mideeye
Jimce 22.10.2021


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com