Site icon Radio Daljir

Beelo 7sano ku dagaalamayay degmada Taleex oo heshiis lakala dhex dhigay (dhegayso)

Degmada Taleex ee gobolka Sool waxaa maanta  lagu soo afjaray colaad mudo 7 sano jirsatay oo udhexaysay laba beelood oo halkaasi wada dagan.

Xalinta khilaafka labadan beelood ayaa dhowr jeer oo hore lagu guul daraystay , balse waxaa maanta soo afjaray wadfi uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse .
Qadkii cagarnaa ee labada dhinac udhexeeyay ayaa la qaaday , waxayna labada beelood iyo Isimaduba   socod lug ah ku mareen deegaanadii lagu dagaalamay.
Hadaba sidii lagu xaliyay colaadaasi iyo heshiskii lakala saxiixday , waxaan ka waraysanay Sheekh Fu,aad Xaaji oo kamid ahaa wafdigii culimada ahaa ee ka qayb qaatay xalinta colaada .
Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .

 

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5c0ba0e2fd00005585c86160/sheek+Fu%2Caad+.mp3?_=1

 

Exit mobile version