BAYDHABO: Qarax ay mas’uuliyiin ku dhaawacmeen oo ka dhacay Buurkakaba

BAYDHABO: Qarax ay mas’uuliyiin ku dhaawacmeen oo ka dhacay Buurkakaba

Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Qarax noociisa uu yahay miinada dhulka lagu Aaso lagula beegsaday degmada Buurhakaba Taliyihii NISA ee degmada Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim & askartii la socotay, waxaan soo gaaray dhaawac culus

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintaan oo la sheegay in uu yahay mid fudud.

laamaha Amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay weli si faah faahsan ugama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

Al-shabaab ayaa intabadan ka fuliya qaraxyada deegaanka waxaana sidan ookale qaraxyo lagula beegsaday saraakiil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com